3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Ciidamada Kenya oo sheegay iney dileen shan kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ciidamada difaaca Kenya ayaa waxay sheegeen in Isniintii shalay ay dileen shan kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab, kadib markii uu dagaal dhex maray kulanyo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dagaallamayaal ka tirsan Ururkaas.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Lafey oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalka Ciidamada Kenya ayaa waxay dadka falanqeeya ammaanka durbaba dul dhigeen calaamatu su’aal, maadaama aysan sheegin dhankooda khasaare soo gaaray.

Hase –ahaatee ilo madax bannaan ayaa sheegay in Kenya isku dhacaas  ku waaysay hal askari, laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada KDF-ta Kenya ayaa waxa uu dagaalka ku qabsaday sida wararka lagu helayo waddada lagu magacaabo Alungu-Elwak, subixii hore ee shalay, iyagoo kusii jeeday garoonka diyaaradaha Ismaamulka Mandheera.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/22/2020 12:50 PM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in Baarlamanka Golaha shacabka la horgeeyo ra'iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, si loo siiyo codka kalsoonida.

9/22/2020 9:29 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii dhuusamareeb 3.

9/22/2020 8:20 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) ayaa sheegay inay ciidamada xoogga dalka ay 18 kamid ah kooxda Al-shabaab ku dileen dagaallo ka dhacay Deegaano koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

9/22/2020 7:31 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Militiriga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa waxay howl-gallo iyo dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay iyaga iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

9/22/2020 7:08 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa waxa uu booqasho ku tegay magaalada Jowhar , isagoo kormeeray saldhigga ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay ku leeyihiin halkaas, waxa uuna saraakiisha sar sare kala hadlay sidii ay u dar-dar gelin lahaayeen dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

9/22/2020 6:40 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya, isagoo weydiisanaya iney taageeraan oo ay sii yaan codka kalsoonida.

9/22/2020 6:35 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Golaha Shacabka Mahad Cabdulle Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada ay walaac xooggan ka qabaan qaar kamid ah hogaanka maamul Goboleedyada lagasoo doorto, maadaama uusan kala dhexeyn is-fahan wanaagsan.

9/22/2020 2:59 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Saddex dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya, ayaa u tallaabay dhinaca Soomaaliya kuna biiray Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Nick Ndalana oo ka hadlayay kulanka amniga ku saabsan.

9/22/2020 2:53 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Hay’adda Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay xadgudubyada galmada ee carruurta in ay kusii kordhayaan gudaha Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay in aanay jirin fursad loo raadsado caddaalad.

9/22/2020 2:20 AM EST
Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa difaacay heshiiskii hannaanka doorashada ee dhawaan Muqdisho lagu gaaray, isagoo ku tilmaamay heshiis loogu danaynayo umadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda.