4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
UN oo walaac ka muujisay kiisaska sii kordhaya ee xadgudubyada loo geysto carruurta
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Hay’adda Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay xadgudubyada galmada ee carruurta in ay kusii kordhayaan gudaha Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay in aanay jirin fursad loo raadsado caddaalad.

Hadal qoraal ah oo ay UNICEF soo saartay ka hor sannad-guurada shanaad ee ka soo wareeganaysa markii Soomaaliya ay ansaxisay heshiiska xuquuqda carruurta (CRC) Oktoobar 2, waxay ku sheegtay in dhaqamada guurka carruurta iyo gudniinka fircooniga ah, ay yihiin kuwo si aad ah ugusoo badanaya Soomaaliya.

Ku dhowaad shan sano ka hor, Oktoobar 2, 2015, Soomaaliya ayaa noqotay waddankii 196-aad ee ansixiya Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC).

Heshiiskaan ayaa dhigaya in qof kasta oo ka yar 18 sano uu yahay ilmo isla markaana uu xaq u leeyihiin in laga difaaco nooc kasta oo xadgudub ah oo si cad loo qeexay, sida uu sheegay Werner Schultink, oo ah wakiilka UNICEF- Somalia.

UNICEF waxay sheegtay in laga bilaabo Jannaayo illaa Juun, ay korodhay 25 boqolkiiba kiisaska ku saabsan tacaddiyada ku saleysan jinsiga ee lagula kaco haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya marka la barbar dhigo isla muddadaas sanadkii ka horreeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]