4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Madaxweyne Deni oo barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in aysan carqaladayn heshiiska doorashada

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa difaacay heshiiskii hannaanka doorashada ee dhawaan Muqdisho lagu gaaray, isagoo ku tilmaamay heshiis loogu danaynayo umadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay oo Muqdisho lagu qabtay, kaasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda, golaha barlamaanka iyo guddoomiyaha banaadir Cumar Filish.

Deni ayaa barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in aanay carqaladayn heshiiska doorasho, isagoo sheegay in aan heshiiskaan cidna loogu darnaan.

Hadalka Deni ayaa yimid, xilli beesha caalamka ay walaac ka muujisay hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]