4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Beesha caalamka oo ka aamusan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caaalamka ayaa weli ka aamusan heshiiskii dhameystirka hannaanka doorashada ee dhawaan ay Muqdisho ku gaareen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Inkastoo beesha caalamku taageersanayd dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shanta Dowlad Goboleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka, hadana weli ma muujin aragtidooda heshiiska la gaaray iyo sidoo kale magacaabidda raysal wasaaraha cusub.

Warsaxaafadeedkii ugu dambeeyay ee kasoo baxa beesha caalamka oo ku beeganaa 14kii bishaan ayay ku boorriyeen Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.

Beesha caalamka waxay aad uga digaysay inay timaado muddo kororsi ama doorashada waqtigeeda dib uga dhacda. War murtiyeedka kasoo baxay shirka kuma qorna xilliga rasmiga ah ee doorashadu dhacayso,

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]