4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Shirweyne wadatashi oo Beledweyne uga furmay Beesha Xawaadle


Axad, September 20, 2020 (HOL) - Shirweynaha wadatashiga iyo aaya ka talinta beesha Xawaadle ayaa maanta si rasmi uga furnay magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Shirweynahan oo bilawgii bishan ay iclaamiyeen waxgaradka beesha Xawaadle ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee beeshaasi sida Siyaasiyiinta, Aqoonyahanadda, Culuma'udiinka, Haweenka, Dhalinyarada, iyo qurbajoogta beesha.

Odayaasha iyo waxgaradkii ka hadlay madasha shirka wadatashiga beesha Xawaadle ayaa sheegay in muhiimadda shirkan uu yahay sidii hal meel ay beesha uga soo jeesan laheyd arrimaha gaarka ah ee beesha Xawaadle iyo waliba sidii loo hormarin lahaa danaha Siyaasadeed ee beeshaasi.

Lama shaacin waqtig iyo inta maalmood uu qaadan doono shirkan maanta Beledweyne uga furmay Beesha Xawaadle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]