3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Madaxweyne Farmaajo: Inaan qabto doorasho qof iyo cod ah waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo
 

Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sababtii uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah in Soomaaliya ka dhacdo, taasoo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee keenay khilaafka siyaasadeed ee ka dhextaagnaa dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay kulan lagusoo xirayay shirkii hannaanka doorashada heshiiska looga gaaray, ayaa ku micneeyay labo sababood oo uu uga tanaasulay doorashadaas, taasoo midda koowaad ay tahay inuu ka baqsaday in aanay dowlad goboleedyadu ka qey galin doorashadaas iyo in faro galin shisheeye ay timaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay dowlad goboleedyada isku hayeen in la qabto doorashadaas, halka ay iyaguna ku adkaysteen in aan xilligeedii la gaarin oo ay u baahan tahay ugu yaraan 2 sano.

“Inaan doorasho qof iyo cod ah qabto, waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo kana ilaaliyo in shisheeye soo faro galiyo arrimaheena,” ayuu yiri Farmaajo

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in dhamaan shanta dowlad goboleed isku mowqif ku ahaayeen in aan dalka xilligaan la galin Karin doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay heshiiska hadda la gaaray inay iyagu keeneen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/19/2020 8:01 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

9/19/2020 7:55 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Sii haya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad Xamuul ah oo maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

9/19/2020 3:45 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ka codsadey labada musharax ee madaxweynennimada, oo horray u qorsheystsay in ay soo booqan doonnaan gobolka usbuucan, in ay u hoggaansamaan xeerrarka badbaadada ee gobolka Minnesota ee ku saabsan cudurka COVID-19.

9/19/2020 3:44 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Ciidamada ammaanka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Faderaalka ah ee ku sugan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxay howl-gal ballaaran ka sameynayaan deegaanno ku dhow degmada Raaga-Ceelle, waxayna ku baadi goobayaan dadkii ka dembeeyay culimo dhowaan lagu dilay deegaan hoostaga degmadaas.

9/19/2020 3:10 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Diyaarad nooca xamuulka qaadda oo kusii jeedday magaalada Beledweyne ayaa cilad farsamo oo ku timid awadeed kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

9/19/2020 2:03 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyay warqad Ilhan Omar u dirtay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Maraykanka, taasoo ay ku muujinaysay walaaca ku saabsan masaafurinta muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dalka Maraykanka ku nool.

9/19/2020 1:47 AM EST
Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Kooxda kubadda cagta Fc Dayax Power Supply ayaa shalay ku guuleysatay tartankii koobka heerka koowaad ee ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta magaalada Beledweyne kaaso ay ka qeyb qaadateen 8 kooxood oo heerka koowaad ah kana dhisan afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne