3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2020
Weerar Bam gacmeed loo adeegsaday oo caawa ka dhacay magaalada Beledweyne
 

Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo haween ah ayaa ku dhimatay saddax kalana way ku dhaawacmeen weerar Bam gacmeed ah oo lagu qaaday Maqaaxi ku taala xaafada Howlwadaag gaar ahaan laanta suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne.

Haweeneyda ku dhimatay weerarka bambaano ee caawa ka dhacay Beledweyne ayaa la sheegay iney maqaaxida ku hor iibineysay Jaad.

Weerarka Bambaano ayaa dhacay abaare 07:00 fiidnimo ee caawa waxaana dadkii ku dhaawacmay weerarka la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaaso lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Goobjoogayaal ku sugan xaafada Howlwadaag oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay in maqaaxida Bam gacmeedka lagu weeraray ay aheyd maqaaxi inta badan ay fariistaan askarta dowladda iyo kooxaha macawiisleyda loo yaqaano ee dirirtu kala dhaxeyso dhaqdhaqaqa Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Beledweyne oo la xiriira weerarka bambaano ee caawa ka dhacay xaafada Howlwadaag mana jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/18/2020 12:11 PM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Madasha xisbsiyada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay natiijadii kasoo baxday wada hadalkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ugu dambayn heshiis looga gaaray hannaanka doorashada soo socota.

9/18/2020 7:11 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qulaale oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxa uuna u dhexeeya maleeshiyo beeleed walaalo ah oo halkaas ku wada nool.

9/18/2020 7:01 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen 8 carruur ah oo la sheegay in lagasoo qafaashay magaalada Qardho ee Puntland, islamarkaana sanadahii ugu dembeeyay lagu hayay magaaladaas.

9/18/2020 6:43 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin uu kamid yahay ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay magacaabistii xalay ee wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna dhammaan Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo.