4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2020
Colaad beeleed kasoo cusboonaatay xadka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud
 

Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qulaale oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxa uuna u dhexeeya maleeshiyo beeleed walaalo ah oo halkaas ku wada nool.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay 6 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu baahiyay Raadiyaha Kulmiye ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira daaqsinka, deegaanka iyo biyaha, waxaana dhowr jeer oo hore la isku dayay in colaadda soo noq noqotay laga gaaro heshiis, balse waxaa muuqata in uusan jirin mira dhal wanaagsan.

Wararka hadda laga helayo deegaanka lagu dagaallamay ayaa sheegaya in xaaladdu ay degantahay, waxaana goob dirirtu ay ka dhacday ku baxay odoyal kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud.

Lama oga sida uu hadda dagaalkaan ku bilowday, laakiin waxaa jiray heshiis adag oo ay dowladda kala dhex dhigtay dhaqanka labada dhinac oo ku saabsanaa xeer ciqaabeed lagu qaadayo ciddii dagaal halkaas ka bilowda .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]