4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo dowaladda federalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay muujiyaan tanaasul
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Shir ay soo qaban qaabisey iskutaga Ururada Bulshada Rayidka Somaaliyeed, ayaa waxaa looga Hadlay xaalada maanta uu dalka marayo iyo shirka wadahadalada siyaasadeed ee madaxda dowlada federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowlada federalka ugu socda Muqdisho.

Shirka waxa aad looga doodey islamarkaasna kasoo qaybgalayasha ay walaac ka muujiyeen sida aysan madaxda ugu xisaabtameynin waqtiga ka harsan xilli sharciyeedka dowlada iyo sida looga baahan yahay in hishiis laga gaaro arimaha doorashooyinka la fllayo 2020/21.

Shirka waxaa laysku dhaafsadey aragtiyo ku aadan baahida loo qabo in dalka doorasho ka dhacdo iyo sida ay ugu dhicikarto doorasho keeni karta xasilooni siyaasadeed korna uqaadi karto kalsoonida dadka ku qabaan dhismaha dowladnlmada.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]