3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Koox hubaysan oo macalimiin dugsi qur'aan ku dishay gobolka shabeelada dhexe
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Dabley hubaysan oo la aqoonsan haybtooda ayaa degaan hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhexe ku dilay 5 macalin dugsi qur’aan ah, oo dadka bari jiray cilmiga diinta.

Macalimiintaan oo ay ku jiraan labo walaalo ah ayaa la dilay iyagoo ku jiray Subac akhris, lamana oga cidda falkaan ka dambeysay, iyadoo kooxdii dishayna ay baxsadeen.

Deegaanka dhibaatadan ay ka dhacay waxaa horey uga dhacay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo ka dhextaagan beelaha kuwada nool gobolka Shabeelada dhexe.

Dilkooda ayaa kusoo beegmay iyadoo muddo dhowr bilood ah laga joogo markii degmada Balcad lagu dilay 8 dhaqaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeelada dhexe.

Macalimiinta la dilay ayaa waxaa  lagu kala magacaabaa:-

1) Sheekh Daahir Xasan Cali
2) Macalim Maxamuud Canbuure
3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
5) Ow Muxumud Xasan Calli

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/17/2020 4:53 PM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay raysal wasaare kadib muddo ku dhow labo billood oo dowlada federalka ku shaqeynaysay xukuumad kumeel gaar ah.

9/17/2020 2:35 PM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Wararka caawa ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu dilay Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle ahaana wassiir ku xigeenka wassaaradda diinta iyo awqaafta dowlad goboleedka Hirshabelle.

9/17/2020 11:49 AM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.....

9/17/2020 9:08 AM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in maanta uu qarax ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan meel ku dhow ceelasha biyaha.

9/17/2020 8:34 AM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Sii haya ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay culumaa'udiin dabley hubeysan ay ku dileen deegaan hoostaga degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

9/17/2020 8:00 AM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Shir ay soo qaban qaabisey iskutaga Ururada Bulshada Rayidka Somaaliyeed, ayaa waxaa looga Hadlay xaalada maanta uu dalka marayo iyo shirka wadahadalada siyaasadeed ee madaxda dowlada federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowlada federalka ugu socda Muqdisho.

9/17/2020 4:10 AM EST
Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Ra'isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi siiyay telefishinka Dalsan ayaa sheegay maqnaanshaha Ra’iisul wasaaraha aan weli la magacaabin inuu dhaawac ku yahay heshiisyada la gaari doono fulintooda.