4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Cumar Cabdirashiid: Waa ku ceeb dowladnimadeena in raysal wasaaruhu ka maqan yahay jaangoynta siyaasadeed
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Ra'isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi siiyay telefishinka Dalsan ayaa sheegay maqnaanshaha Ra’iisul wasaaraha aan weli la magacaabin inuu dhaawac ku yahay heshiisyada la gaari doono fulintooda.

Senator Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo inuu lumiyay fursadihii ugu muhiimsanaa ee uu dalkaan ku gaarsiin lahaa doorasho hal qof iyo hal cod.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuusan ku xadgudbin nidaamka dowladnimada iyo awood qeybsiga uuna si degdeg ah kusoo magacaabo raysal wasaare ka qeyb qaata jaangoynta siyaasadeed ee haatan ka socota magaalada Muqdisho

” Inuu raysal wasaaruhu miiska ka maqan yahay waxay dhaawac ku tahay dowladnimada Sooomaaliya, ujeedada uu madaxweynuhu ka leeyihiin waa in raysal wasaaraha dusha laga saarayo waxyaabo uusan talo iyo tusaale ku lahayn, markuu lagu fashilmana isaga dusha laga saaro masuuliyaddaas.”

Dhinaca kale, Cumar Cabdirashiid ayaa dowlad goboleedyada ku dhaliilay inay kaalin ku leeyihiin xaalada siyaasadeed ee dalku maanta marayo, isagoo tilmaamay in goor hore laga rabay inay dowladda kula xisaabtamaan waxyaabaha hadda laga doodayo.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho uu ka socda wadahadal u dhexeeya madaxweyne Farmaajo, guddoomiyaha Banaadir iyo dowlad goboleedyada iyagoo ka shiraya dhameystirka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]