3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan nabad sugidda oo in muddo ah maanta xertay waddo ku taalla Muqdisho
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 90 askari oo la sheegay iney ka tirsanyihiin hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xertay in muddo ah waddada dajirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa ka cabanayay in muddo seddex bilood ah aysan qaadan wax xuquuq ah,  iyagoo ilaalo ahaan loo dejiyay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Waxaa muddo kooban ay xayireen waddadaas oo muhiim u ah isu socodka magaalada qebo kamid ah iyo madaxtooyada Soomaaliya,  waxaana ugu dembeyn lagu guuleystay iney waddada furaan.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray, halka ciidamada gadooday ay xerteen, iyagoo ugu dembeyntiina ku guuleystay iney xalliyaan.

Ma jiraan war kasoo baxay hay'adda nabad sugidda oo ku saabsan gadoodka ciidamadaan sheegay in uu mushaarka ka maqanyahay seddex bilood.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/16/2020 7:35 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee human Ritgh Watch ayaa warbixin ay ugudbisay golaha amaanka waxay wax laga argagaxo ku tilmaamtay kororka tacaddiyada kufsiga ee ka socda Soomaaliya.

9/16/2020 7:09 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la qaado talaabooyin ku haboon si looga hortago qatarta ka dhalan karta roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan Soomaaliya bartamaha bisha Sebtember, 2020.

9/16/2020 6:22 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Wasaaradda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen eedeyssane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa falkii lagu dilay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax.

9/16/2020 2:57 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Soomaali gaaraysa ilaa Boqol qof oo danbiyokala duwan ka galay dalka Maraykanka & qaar loo diiday in loo aqoonsado inay dalkaas ka helaan dagaanasho ama Qaxootinimo ayaa maalahamaha soo socda lagu

9/16/2020 1:32 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa culeys saaraya si ay u fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka oo lala beegsado dagaalamayasha Al-shabaab ee qaybo ka mid ah bariga Kenya.

9/16/2020 1:11 AM EST
Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika, Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed.