4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya kiiska dilkii Xamdi Maxamed Faarax
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Guddoonka Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in mudanayaasha Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Allaha U Naxariistee  Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah mudanayaasha saxiixay soo jeedinta in arrintaas lagu daro doodda Baarlamanka ayaa HOL  u sheegay iney muhiim tahay iney sidaas sameeyaan,  maadaama falka gabadha yar lagu dilay uu ahaa wax aad u fool xun.

Dilka Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu dhaliyay caro aad u xooggan,  waxaana aad uga fal-celiyay shacabka Soomaaliyeed,  si gaar ah, dadka Caasimadda ku nool .

Booliska Soomaaliya ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiskaas,  iyadoo dhowr qof oo tuhmanayaal ah la sheegay in gacanta lagu hayo.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]