4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Ciidamada Danab oo howl-gallo ka sameeyay duleedka Kismaayo
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ciidamada kumaadooska dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen,  in iyaga oo kaashanaya xoogagga daraawiishta Jubaland ee JSF-ta ay howl-gal ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Jubaland,  gaar ahaan Jubbada hoose.

Deegaannada Dhisheeg waamo iyo Maroodi Guboow oo kamid ah meelaha laga fuliyay howl-gallada ayaa waxay ciidamadu tilmaameen,  inay ku dileen xubno kamid ah Al-shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandoosta ciidamada Danab,  gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale howl-galkaan ay ku bur-buriyeen baro ciidan oo ay Al-shabaab lahaayeen.

Dhinaca kale, ma jiraan war kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan howl-galkan ay ciidamada dowladda guulaha ka sheegteen.

Al-shabaab ayaa dhowaan weerraro qaraxyo ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubaland oo ay Kismaayo kamid tahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]