3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo si kulul uga hadlay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare.

Xamdi Maxamed Faarax, ayaa la kufsaday kadibna waxaa lagasoo tuuray dabaq lix biyaano ah sida ay sheegeen qoyskeeda iyo laamaha booliiska oo haatan kiiskaas u hayo 4 qof oo lagu tuhmayo.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi'iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.,” ayuu yidhi wasiir goodax.

Wasiir Goodax ayaa sheegay Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay gudaha Soomaaliya.

Wuxuu ka codsaday hay'adaha garsoorka in ay sida ugu dhaqsaha badan ay mudankooda ku marsiiyaan dambiilayaashii falkan foosha xun ku dhaqaaqay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/13/2020 12:42 PM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Gobolka Kaduna ee waddanka Nigeria ayaa ansixiyay in la dhufaano kuwa lagu helo kufsiga carruurta da'doodu ka yar tahay 14 sano.

9/13/2020 8:29 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 3 ruux , dhowr kalana way ku dhaawacantay, Kadib is-risaaseyn dhex-martay askar ka wada tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Wanlaweyn.

9/13/2020 6:53 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

9/13/2020 3:54 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sida ay ku warramayaan ill wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii wada-tashiga ahaa ee u dhexeeyay maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah.

9/13/2020 3:51 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ciidamada kumaadooska dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen, in iyaga oo kaashanaya xoogagga daraawiishta Jubaland ee JSF-ta ay howl-gal ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Jubaland, gaar ahaan Jubbada hoose.

9/13/2020 1:48 AM EST
Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababa la xiriira suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta si sharcidaro ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya.