4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Askari katirsan ciidanka Puntland oo saddex qof oo shacab ah ku dilay magaalada Gaalkacyo
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka daraawiishta Puntland, ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay saddex qof oo shacab ah kadibna baxsaday, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare.

Askarigan oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Maxamuud, darajadiisa ciidanna ahayd kormeere saddexaad, ayaa marka hore dilay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isagoo booliska ka cararay ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale.

Labadan qof ee dhintay iyo qofka dhaawaca ah ayay rasaastu ugu tagtay iyagoo la socday gaadiidka dadweynaha.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ciidamo u direen si ay usoo qabtaan gacan ku dhiiglaha, si cadaalada loo horkeeno.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]