4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 9 , 2020
Trump " dhammaadka sanadkaan, ciidamadeenna waan kasoo saareynaa Afganistan"
 

Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Weli si rasmi ah ugama uusan jawaabin waaxda gaashaan-dhigga Mareykanka hadalkii madaxweyne Donald Trump ee ku saabsabaa in dhammaadka sanadkaan guud ahaa dalka Ciraaq lagasoo saarayo ciidamada dalkaasi ka jooga mareykanka.

"Waxaa innaga jooga tira yar oo askar ah,  oo weliba ah rag iyo dumar qiima leh, dhamaadka sanadkaan,  waxay kusoo laaban doonaan dalka" ayuu madaxweyne Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, wax-yar uun ka hor bilowga dooddii musharraxiinta madaxweyne ku-xigeenka ku loollamaya habeenkii Arbacada. 

Afhayeenka xog-hayaha gaashaan-dhigga Mareykanka Mark Esper oo ka qeyb-galayay munaasabadda maalinta ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala qaaradda Eeshiya ayaa diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo, hadalka madaxweyne Trump.

Ilo ka tirsan militiriga ayaa warbaahinta Mareykanka qaar u sheegtay in qoraalka Madaxweynaha uu yahay "Weedha adag" oo muujineysa in dowladda Mareykanka ay ka go'antahay in ciidamada yar ee ku haray Afganistan lagasoo saaro,  laakiin la eegayo habraaca siyaasadeed oo ay muhiim tahay in laga sugo waaxda  gaashaan-dhigga Mareykanka ee "Pentagon-ka".

Mareykanka ayaa waxa uu ciidamadiisa galiyay dalka Afganistan sanadkii 2001-dii, kadib weerarkii lagu qaaday sarahii mataanaha ahaa 11-kii, September, 2001-dii.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]