4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 9 , 2020
Ninkii dhowaan lasii daayay ee loo haaystay weerarkii Westgate, oo mar kale la xeray
 

Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in rag hubeysan ay af-duubeen mid kamid ah raggii lagu waayay  iney ku lug lahaayeen weerarkii Westgate ee ka dhacay magaalada Nairobi.

Liibaan Cabdullaahi oo ay maxkamadda sii daysay kadib markii lagu waayay dembi ah inuu ku lug leeyahay weerarkii 2013-dii ka dhacay Westgate mall ayaa gaari lasoo raacay isagoo xor ah,  xubno kamid ah qoyskiisa,  balse dabley hubeysan ayaa gaarigii joojiyay,  kadibna la dagay.

Garyaqaan Mbugua Mureithi oo ah abuukaatahii Liibaan ayaa Telefashinka laga leeyahay Nairobi u sheegay in ragga mar kale xiray ay yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda. Illaa iyo haddana ma jiraan war kasoo baxay booliska Kenya oo ay arrintaas uga jawaabayaan.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee muslimiinta Kenya ayaa falkaas aad u dhaleeceyay,  waxayna ku sheegeen falkaas Liibaan mar kale lagu xiray inuu yahay Af-duub.

Ma jirto illaa iyo hadda meel la xaqiijiyay in lagu xiray.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]