3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Somaliland oo gef iyo meel ka dhac ku tilmaamtay qoraal kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa ku tilmaamtay gef weyn qoraal dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, qoralkaas oo ahaa magacaabidda guddiga qaban qaabada doorashada xidhibaanada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya barlamaanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay hadalka kasoo yeeray golaha aqalka sare ee ah in wakiilada Somaliland metelaya lagu dooranayo Xamar, ay tahay meelka dhac iyo gef loola badheedhayo jiritaanka maamulkooda

”Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda,” ayaa  lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay inay ciqaab adag mudan doonaan ciddii ka qayb-gasha doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho.

Hadalka Somaliland, ayaa kusoo aadaya iyadoo afar sano kasta Muqdisho lagu doorto xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas ee ku biiraya barlamanka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/8/2020 3:32 PM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeynaya Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

10/8/2020 2:06 PM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Guddigii loo xilsaaray baaritaanka geerida Cali Khaliif Galaydh oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa shaaciyay in marxuumka u geeriyooday cudurka Coranavirus oo uu maalmahaan la xanuunsanayay.

10/8/2020 10:19 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa qaaddacay dood la doonayay in lagu qabto habka Online-ka ah oo ay wada-yeelan lahaayeen ninka kula tartamaya xilka ee dhinaca Jamhuuriga ah ee Joe Biden.

10/8/2020 9:51 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar), ayaa sheegay inuu magacaabay guddi baaritaan oo eegaya sababta ka dambeysay geerida raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.

10/8/2020 7:49 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya deegaanadda Basra iyo Deniga oo dhaca dhinaca Galbeed ee degmada Balcad ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana dib u qabsaday deegaankaasi dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

10/8/2020 7:40 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaarado loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay ka geysteen tuulooyin hoos taga Gobolka Gedo oo sababay dhimasho iyo dhaawac .

10/8/2020 7:33 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida.

10/8/2020 4:57 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Ilwad Elman oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda Nabadda ayaa markii labaad kamid noqotay dadka u sharraxan abaalmarinta nabada adduunka ee Nobel Peace Prize, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Nabadda (PRIO) ee fadhiggiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norway.

10/8/2020 1:34 AM EST
Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya laguna haystay sanad iyo badh gudaha Soomaaliya, sida lagasoo xigtay saraakiil.