4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida.

Cali Khaliif ayaa horey usoo noqday Ra'iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya sannadkii 2000, sidaas oo kale wuxuu soo noqday madaxweynihii Khaatumo State oo mar laga dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh ayaa ku dhashay Laascaanood qiyaastii 1941-dii, isagoo ku geeriyooday da'ada 78sano jir.

Lama oga waxa sababay geeridiisa, balse waxaa la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay howlo caafimaad u joogay magaalada Jigjiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]