4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Laba kamid ah eedeysanayaashii loo haystay weerarkii Westgate oo dembi lagu helay
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay laba eedeysanayaal ahaa oo loo haaystay iney xiriir lalahaayeen raggii ka dembeeyay weerarkii Westgate malla ee waddankaas ka dhacay sanadkii 2013-dii, kaas oo ay ku dhinteen 67 ruux.

Garsoore Farancis Andayi ayaa ku dhawaaqay in Mohammed Ahmed iyo Hussein Hassan Mustafa iney yihiin dembiilayaal. Ku dhawaaqista xukunkaan ayaa laba jeer oo hore dib u dhacay.

Maxkamadda ayaa eedeysanaha seddexaad u waysay wax caddeymo ah  dembiga loo haaystay,  halka eedeysane Afaraad oo lagu magacaabo Adan Dheq isagana horay 2019 maxkamadda ay dembi ugu waysay.

Intii ay socotay maxkamadeynta waxaa garsoorka la horkeenay 145 marqaatiyaal ah oo eedeysanayaasha ku marqaati furayay dembiga.

Xukunka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 22-ka, October ee sanadkan,  2020-ka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]