4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Axmed Madoobe "Guddoomiyihii Gobolka Gedo wuxuu la mid noqday Yaasir Carafaat"
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay is-fahmi waaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka uu hoggaamiyo ee ku aaddan arrinta maamulka Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dib loogu celiyo maamulkii Jubaland ay horay ugu magacawday gobolkaas.

"Hadda maamulkii Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha,  waxay joogaan Kismaayo,  waxayna noqdeen sidii Yaasir Carafaat" ayuu Madoobe ka sheegay munaasabad uu Khudbad ka jeedinayay.

Waxa uu dowladda dhexe ugu baaqay iney joojiyo fara-gelinta ciidamada ay ku hayaan maamulka Gobolka.

"Waxaan miisaaniyad badan u haynaa dhisidda Goleyaasha deegaanka,  meesha ugu horreysana waxay aheyd Garbahaarrey" ayuu mar kale  yiri.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa muujinaya in maamulka Jubaland aysan ka qancin arrinta Gobolka Gedo, xilli dhowaan Muqdisho maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ay ku gaareen heshiiska nooca doorasho ee Soomaaliya ay galeyso iyo goorta la qabanayaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]