3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Daadadka ka dhacay bariga Afrika oo saameyn ku yeeshay 6 milyan oo ruux
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Tirada dadka ay saameeyeen daadadka ka dhacay waddamada bariga Afrika ayaa kor u kacay shantii sano ee ugu dembeysay, sida ay sheegtay Qaramada midoobe.

Ku dhowaad lix milyan oo ruux ayey sanadkaan sameeyeen,  halka hal milyan iyo bar oo dadkaas kamid ah ay guryahooda ka barakaceen.

Qeybo kamid ah Gobolka waxaa ka da'ay roobab aad u culus.

Sanadkii 2019-dii, waxaa jiray, kala duwanaashiyo weyn oo dhinaca heer kulka ah bariga iyo galbeedka Gobolka,  taasina waxaa loo maleynayaa iney sabab u tahay roobabka culus ee da'ay

Xogta uu soo aruuriyay xafiiska xiriiriya gargaarka ee Qaramada midoobe ayaa lagusoo lifaaqay sawirro walaac muujinaya,  oo ka turjimaya xaaladaha qaar ee ka dhashay daadadka.

Tirada dadka ay saameeyeen daadadka bariga Afrika sanadkii 2016-dii ayaa gaaraya 1.1 milyan oo ruux, hase-ahaatee tirada ayaa kor usii socotay waxayna gaartay 4 milyan sanadkii 2019,  halka sanadkaanna ay ku dhowdahay 6 milyan.

Daadadka ayaa waxay saameeyeen waddamada Suudaan,  Ethiopia, Jabuuti,  Uganda,  Tanzania,  Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya,  waxayna dad badan u noqdeen dhibanayaal galay xaalad adag.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/7/2020 12:27 PM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay laba eedeysanayaal ahaa oo loo haaystay iney xiriir lalahaayeen raggii ka dembeeyay weerarkii Westgate malla ee waddankaas ka dhacay sanadkii 2013-dii, kaas oo ay ku dhinteen 67 ruux.

10/7/2020 10:47 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Wararka laga helaayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

10/7/2020 4:51 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay is-fahmi waaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka uu hoggaamiyo ee ku aaddan arrinta maamulka Gobolka Gedo.

10/7/2020 4:00 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka gobolka Gedo ayaa mamnucay in dadku garsoor u dooontaan maxkamadaha Alshabaab ee kuyaala gobolkaas iyo gobolada kale ee deriska la ah.

10/7/2020 3:38 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Ugu yaraan afar qof oo rakaab ah ayaa dhaawacmay markii dabley hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bas rakaab ah oo marayay degmada Mandheera ee dalka Kenya oo ku teedsan xadka Soomaaliya.

10/7/2020 2:49 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag u dhaliilay jiritaanka guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabelle iyo jadwalka doorashooyinka ay soo saareen.

10/7/2020 1:02 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Puntand ayaa ballaarisay sheybaarada lagu baaro cudurka Covdi19, kadib markii cudurku kusoo labo kacleeyay degaanadaas muddooyinkii lasoo dhaafay.

10/7/2020 1:00 AM EST
Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa amartay in hay’adda nabad sugida ay hubin amni ku sameyso dhammaan shaqaalaha dowladda.