4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Dabley hubaysan oo weerar jid gal ah ka geystay Mandhera
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Ugu yaraan afar qof oo rakaab ah ayaa dhaawacmay markii dabley hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bas rakaab ah oo marayay degmada Mandheera ee dalka Kenya oo ku teedsan xadka Soomaaliya.

Rono Bunei, oo ah taliyaha gobolka waqooyi bari ayaa xaqiijiyay dhacdadan isagoo sheegay in tuhmanayaasha Al-shabaab ay baska ku rasaaseeyeen deegaanka Kutulu ee waqooyi bari Kenya.

Deegaanka Kutulu ee uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro looga shakiyay kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Kenya ay aad xoojiyeen ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]