4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 7 , 2020
Puntland oo ballaarisay sheybaarada lagu baaro covid19
 

Arbaco, October 7, 2020 (HOL) - Puntand ayaa ballaarisay sheybaarada lagu baaro cudurka Covdi19, kadib markii cudurku kusoo labo kacleeyay degaanadaas muddooyinkii lasoo dhaafay.

Cudurka Coronavirus ayaa Puntland ka maraya ku dhawaad 700 xaaladdood sida lagu sheegay tiro-koobki ugu dambeeyay ee kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Puntland ayaa sheybaarkan cusub geysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna noqonayaa midkii saddexaad oo lagu baari doono Covid19.

Shaybaarkaan ayaa loogu talagalay in lagu baaro dadka dagan gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhaw. Waxaana loogu talo galay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha dadka deegaanka ku nool ayna ugu fududaan in dhakhso ay uhelaan jawaabtooda dadka iskaga shakiya xanuunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]