4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Ciidamada amniga Af-gooye oo gacanta ku dhigay rag la sheegay iney carruurta qafaashaan
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee degmada Af-gooye ayaa waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo ku eedeysan iney qafaashaan gabdhaha yar yar, kadibna ay ku wareejiyaan shabakad carruurta ka ganacsatada.

Labada nin ee la qabtay oo ah rag dhalinyaro ah ayaa la sheegay in lagasoo xeray boosteejada gaadiidka degmada Af-gooye, xilli ay ku howllanaayeen iney soo wadaan gabar yar oo waayadii dembe la waysanaa.

Ciidamada amniga degmada Af-gooye oo hadda saldhigga ku hayo raggaan ayaa waxay sheegeen , in wareysi hor-u-dhac ah oo ay ka qaadeen ay ku qirteen iney ka shaqeynayeen qafaalashada carruurta, gaar ahaa gabdhaha yar yar, iyaga oo u gacan geliya shabakad ay la shaqeeyaan, waxayna tilmaameen in halkii cunug ay ku qaataan lacag dhan $500.00 {Shan boqol oo dollar}.

Soomaaliya, waxaa bilihii ugu dembeeyay kusoo noqonayay waayi–taanka carruurta , waxayna dad badan sheegayeen iney jiraan shabakado abaabulan, oo arrimahaan ka shaqeysta .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]