4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku tagay Eritrea
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne Mohammed Abdullahi Farmaajo & wefdigiisa ayaa soo gabagabeyeyay booqasho qaadatay labo maalmood oo ay ku joogeen dalka Ereteriya oo ku qotomay wadahadalo balaaran oo ujeedadiisu ahayd sii xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga gobolka & booqashooyinka gobolada Koonfurta & Waqooyiga Badda Cas.

Labada madaxweyne ayaa wadahadal balaaran ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada maanta iyagoo diirada saarey xoojinta qaab dhismeedka iskaashiga Ereteriya iyo Soomaaliya & xoojinta Soomaaliya xoog leh.

Farmaajo iyo Isaias Afwerki waxay ku heshiiyeen in la cusbooneysiiyo Heshiiskii Asmara ee 2018  oo dhigayay in la xoojiyo iskaashiga labada iyo xoojinta xiriirka saddex geesoodka ah ee Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweynaha Mohammed Abdullahi Mohammed iyo wafdigiisa oo uu weheliyo Madaxweyne Isaias Afwerki, waxay booqdeen goobo kala duwan oo horumarineed iyo mashaariic laga fulinayo Gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga Badda Cas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]