4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Somaliland oo gacanta ku dhigtay dad faafinayay diinta masiixiyadda
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaanshaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu sheegay iney gacanta kusoo dhigeen laba qof oo Somaliland ku dhex faafinayay diinta masiixiyadda.

Labadan qof oo uusan sheegin magacyadooda ayaa waxa uu qeexay in xogtooda ay ciidamadu heleen kadibna ay sameeyeen daba-gal,  illaa ugu dembeyn gacanta lagusoo dhigo.

Gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in shakhsiyaadka ay soo qabteen ee faafinayay diinta Kirishtaanka  ay markii hore ahaayeen,  muslimiin ka baxay diinta Islaamka.

"Labadaan ruux waxay si wanaagsan u yaqaannaan diinta Islaamka, way ka baxeen,  haddana waxay faafinayeen diinta Kirishtaanka" ayuu Afhayeen Xiis u sheegay warbaahinta Somaliland.

Dhinaca kale,  waxa uu digniin ujeediyay,  dadka tallaabooyinka noocaan oo kale ah qaadi kara iney ka waantoobaan.

Ugu dembeyn booliska Somaliland ayaa tilmaamay in dadka ay soo qabteen ay ku wareejin doonaan hay'adaha cadaaladda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]