4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmaya amiirka cusub ee dalka Kuwait
 

Isniin, October 5, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Dalka Kuwait.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in rasyal wasaaruhu maanta booqanayo qabriga amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday, kadibna wuxuu la kulmidoonaa amiirka cusub ee Kuwait.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kuwait ku tilmaamtay wadamada aad u qadariya Soomaaliya islamarkaana gacan weyn ka geystay dib u dhiska Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee raysal wasaaruhu dibada uga baxo dalka tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]