4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Ra'iisul wasaare Rooble oo kusii jeeda dalka Kuwait
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu maanta ku gaaraya booqashadiisii ugu horreysay dalka Jamhuuriyadda  Kuwait,  waxaana la filayaa in shacab weynaha qarankaas uu uga tacsiyeeyo geeridii ku timid boqorkii hoggaaminayay.

War kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu yiri "Rooble wuxuu la kulmi doonaa boqorka cusub ee  Kuwait Shiikh Nawaf al-Ahmed al-Saba"

Boqorkii hore ee waddankaas ayaa geeriyooday,  isagoo 91 jir ah, wuxuuna ku dhintay dalka Mareykanka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Kuweyd kala hadli doona qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii taageero looga heli lahaa,  sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya.

Rooble ayaa shalay oo Sabti aheyd ka codsaday beesha Caalamka in lagu garab istaago Soomaaliya dakhliga doorashada la qabanayo dhowaan ku baxaya.

Dalalka Khaliijka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka ayaa la sheegay iney galaan-gal ku dhex leeyihiin siyaasadda doorashada Soomaaliya,  iyaga oo kala taageeraya musharraxiinta hardami doona.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]