3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Puntland oo sheegtay in lagu dayacay lacagaha shilin Soomaaliga
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in lagu dayacay lacagaha shilin Soomaaliga ayna tahay meesha kaliya ee Soomaaliya sida weyn looga isticmaalo lacagtaas, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdi Qowdhan oo saakay BBC Somali la hadlay, ayaa sheegay in Puntland loosoo raray lacagihii shilin Soomaaliga ee gobolada Soomaaliya yiilay, taasoo keentay sicir bararka ku yimid sarifka dollarka.

“Puntland waa meesha kaliya ee shilinka Soomaaliya lagu qaado canshuurta, mushaarkana lagu bixiyo,” ayuu yiri wasiirku xigeenka maaliyadda.

Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay iyadu dayacday shilin Soomaaliga islamarkaana cashuurta iyo mushahaarka shaqaalaheeda ay ku bixiso dollar.

Maalintii shalay, wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicirka bararka dollarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/4/2020 4:31 PM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan shirweynahii beellaha Xawaadle uga socday Beledweyne.

10/4/2020 11:03 AM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaannada Taabto iyo Cabdalle Biroole oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay sheegayaan in maanta deegaannadaas ay ku dagaallameen ciidamada Jubaland oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

10/4/2020 8:56 AM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray golaha wasiiradda ee xilka sii haya in tallaabo kasta oo ay qaadayaan lasoo wadaagaan xafiiskiisa, si loo dhowro arkaanta loo dajiyay xubnaha xil gaarsiinta.

10/4/2020 7:43 AM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta shaacisay 147 kiis oo Covid19 ah, kadib baaritaan lagu sameeyay 665 qof oo ku kala sugan degaanada Puntland muddadii udhexeysay 24 September ilaa 03 October.

10/4/2020 7:19 AM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu maanta ku gaaraya booqashadiisii ugu horreysay dalka Jamhuuriyadda Kuwait, waxaana la filayaa in shacab weynaha qarankaas uu uga tacsiyeeyo geeridii ku timid boqorkii hoggaaminayay.

10/4/2020 5:22 AM EST
Axad, October 4, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mohammed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa booqasho ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea subaxnimadii maanta.