3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Macron '' Xagjirnimada xitaa waxey khatar ku tahay dadka Muslimka ah

 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron  oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in uu fahamsan yahay darreenka dadka muslimka ah iyo fal celinta ay ka bixiyeen sawir gacmeedkii lagu afgalaadeeyay Nabbi Maxamed NNKH

Wuxuu sheegay in sawirradaasi aysan aheyn kuwo ka yimid dhinaca dowladda, laakiin uu soo bandhigay Wargeys madax-bannaan isaga oo yiri'' Tani ma'aheyn mashruuc  Dowladdeed, laakiin waa sawirro ku soo baxay Wareys madax-bannaan oo aan dowladda wax xiriir ah la laheyn''

Laakiin waxaa uu sheegay in Xagjiriinta Diimeed ay khatar ku yihiin dadka caalamka oo idil oo ay xitaa ay ku jiraan dadka muslimiinta ah.

Macron oo u muuqday shaqsi dajinaya carrada dadka Muslimka ah ayaa yiri '' Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda,

Dunida Muslimka ayaa siweyn uga  fal celisay taageerrada Macrom uu u muujiyay sawirrada lagu dhaleeceynayay Nabbi Maxamed NNKH, hasseahaatee Macron ayaa isku dayaya in uu dajiyo darreenka dadka Muslimka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  















Click here
10/31/2020 10:30 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Shir nabadayn laba beelood ah oo mudo laba bilood ah ka socdey magaalada Adhicadeey oo waqooyi 30Km kaga aadan magaalada Laascaanood.

10/31/2020 9:07 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay munaasabadii dheerta Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar.

10/31/2020 6:02 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar iyadoo dhinaca kalana lagu dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka

10/31/2020 5:55 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxweynaha iyo shacabka Turkiga dhul gariirkii ka dhacay dalkaas oo ay ku dhinteen ilaa 30 qof.

10/31/2020 5:52 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Guddi baari oo hoos taga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u isticmaashay wax u muuqda madaafiic laga leeyahay Kuuriyada Woqooyi, weerar ka dhan ah xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, horaantii sanadkan.

10/31/2020 4:43 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in kooxd burcad ah toogasho ku dishay Labo muwaadin Soomaaliyeed ah deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

10/31/2020 2:22 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu dhiirrigelinayo xorriyadda saxaafadda, kadib markii uu kulan la qaatay suxufiyiinta aan xuduudda lahayn (RSF), oo booqashadii ugu horreysay ee abid ku yimid Soomaaliya.

10/31/2020 2:17 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa laba nin oo Soomaali ah ku xukuntay 26 iyo 11 sano oo xarig ah kadib markii ay taageereen weerarkii 2013 lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

10/31/2020 1:15 AM EST
Sabti, October, 31, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in maanta la dhaarinayo xildhibaannada cusub ee dhawaantan la soo xulay.