3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2020
Ururada u dooda xuquuqda haweenka oo dalbaday in aqalka sare uu meel mariyo qoondada haweenka
 

Jimco, October, 30, 2020 (HOL) - Ururada u dooda xuquuqda haweenka, haweenka ganacsatada ah iyo haweenka siyaasiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya aqalkiisa sare uu meelmariyo hindise sharciyeedka ku saabsan in haweenku 30% ka helaan kuraasta barlamaanka soo socda.

Haweenka ayaa haatan haysta 24% oo ka mid ah 329 kursi ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, sida ay qabaan Midowga haweenka ku jira barlamaanka labadiisa aqal.

Bishii Juun, aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in 30% kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka kaliya, laakiin hindise sharciyeedka lama horkeenin aqalka sare si loo ansixiyo.

"Waxaan dooneynaa ballanqaadkan in 30% kuraas loo qoondeeyo haweenka in loo ansixiyo sharci ahaan," ayay tiri Deqa Cabdiqaasim Salaad, oo ah madaxa Hear Women, oo ah hay'ad samafal oo ka shaqeysa xoojinta codka haweenka Soomaaliyeed.

"Waan ku faraxsanahay inaan ku guuleysanay 24% baarlamaanka hadda jira, laakiin sharci ayaa lagama maarmaan u ah in la hubiyo in aanan lumin kuraasta aan haysanno,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/30/2020 1:08 PM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta ay guda-gali doonaan howlaha doorashada madaama uu waqtigu gabaabsi yahay.

10/30/2020 7:02 AM EST
Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) – Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ku nool qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya sanadkan cabashada ugu badan oo ay qabaan ayaa aheyd Ayax raxan raxan u socda oo meelaha qaar ku riday nabaad-guur iyo baabi’inta dalaggii la filayay.

10/30/2020 6:14 AM EST
Jimco, October, 30. 2020 (HOL)- Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM .

10/30/2020 2:16 AM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Dagaal dhaxmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu waramayaa in lagu dilay 27 ruux, sida lagu sheegay War ka soo Dowladda Itoobiya.

10/30/2020 1:56 AM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal.