4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo goob joog ka ah, heshiis taariikhi ah oo maanta Koonfurta Suudaan lagu saxiixayo
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, waxa uuna goobjoog ka noqonayaa heshiiska taariikhiga ah oo ay wada saxiixanayaan dowladda Suudaan iyo laba kamid ah hoggaanka kooxaha  mucaaradka ah ee hubeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Juba qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa ay taageereyso heshiiskan iyo dhaqan-gelintiisa.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan caasimadda  South Sudan ee Juba aan maraqaati uga noqdo saxiixa heshiis muddo la wada sugayay, annigu ka daris ahaan waxaan taageereynaa xasiloonida dalka Suudaan iyo  in dadka ayu midoobaan, haddii ay taasi dhacdana, waa waxa uu dalkaan ku gaarayo barwaaqo" ayuu qoraakiisa ku sheegay Twitter-kiisa madaxweynaha Soomaaliya

Dhinaca kale waxaa la qorsheynaa in madaxda dowladaha Jabuuti, Chad, Itoobiya, ra'iisul wasaaraha Uganda, raiisul wasaaraha Masar, madaxa midowga Afrika wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo wasiirka bartoolka ee Imaaraadka ay kulan la qaataan dhinacyada heshiiska ku saxiixanaya Juba.

Heshiiska ayaa waxaa wada saxiixi doona dowladda KMG ah iyo dhinacyada hubeysan, wuxuuna soo afmeerayaa dagaal in ka badan 20 sano ka socday Sudan, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof , halka malaayiinna ay ku barakaceen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]