4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2020
Qof reer Minnesota ah oo ka bogsooday COVID-19 oo gurigiisa aaday ka dib marki uu 208 maalmood isbitaal ku jiray

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) Nin deggan Maple Grove ayaa uga dambayntii gurigiisa gaaray ka dib markii uu noqday bukaankii muddada ugu dheer isbitaal ku jiray ee golbolkan. Chris Hirte
oo konton jir ah ayaa la rafanaayay fayraska halista ah tan iyo bishii Maarso 28/2020, oo laga jooggo 208 maalmood.

Hirte toddobo bilood ayuu isbitaal ku jiray, labo ka mid ah makiinadaha lagu neefsado ayaa lagu xeray, ka hor inta aan loo rarrin qaybta daryeelka ku-meelgaarka ah ee Osseo halkaasoo habeen iyo maanlinba lagu daryeelaayay shanta bil ee ugu dambeysa joogistiisa isbitaalka.

Subaxnimadii Khamiista, Hirte wuxuu ka tegey qeybta daryeelka ku- meelgaarka ah ee Villa wuxuuna aaday gurigiisa. Marki uu maraayay meel gurigiisa u dhaw waxa uu arkay calaamado ay ku qoran yihiin “Ku soo dhowow guriga Chris” oo lagu qurxiyay waddada hareeraheeda iyo dhowr qofood oo isugu jira deriskiisa, saaxibadiis iyo qoyskiis oo ku faraxsanaa soo noqoshadiisa. Hirte ayaa ku tilmaayay nidaamkaas niyad-dhiska ah in uu qayb weyn ka qaatay dib-u-helida caafimaadkiisa.

“Hagaag waxaan u maleynayaa inaan ahay qof nasiib badan oo leh qoys iyo jaceel,” Hirte ayaa yiri. “Way si fiican ayay ii caawiyeen.” Tan iyo bishii Maarso, Hirte walaashiis iyo gabarta-u-doonnan ayaa daryeelaayay intii karaankooda ah. Bishii Abriil, heerkulka jirka (qandhada) Hirte ayaa gaartay 108-darajada Feeranhayt (108-degree F), eheladiisana moodeen in uu dhiman doonno.

“Waxay iisoo wacayn si naxariis leh maxaa yeelay waxay moodeen in uu habeenkaasi Hirte gaari doonnin”. Ayaa walaashii, Dawn Ramaley, tiri. Hirte wuxuu ahaa nin ganacsi yar leh caafimaadna qaba.

Lugaha iyo gacanta midigta Hirte waxaa kaga dhacay cudurka muruqyada. Waqtigii badnaa ee sariirta isbitaalka jiifay ayaa sababay cudurka murqaha. Qalabka gargaarka neefsashad iyo kuwa qashinka ka soo saara ee u xernaa bilooyin badan waxay si weyn hoos ugu dhigeen awooda hadalkiisa. Wuxuu qorsheynayaa inuu waqtigiisa guriga uga faa’iideysto inuu dib u soo baanto.

"Qofna ma dhihin si buuxda uma soo kaban doonno, taasina waa waxaa damacsanahay iyo rajadeenna," ayay Ramaley tiri.

Hirte waa laga yaaba in uu ka guulaysto fayraskan dilaaga ah, laakiinse ma doonayo inuu qofna maro waxa uu ka soo badbaaday.