4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Ilwad Elman oo la gudoonsiiyay abaalmarinta Africa Prize oo sanadkiiba mar Jarmalku bixiyo sanadkan 2020ka

 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka Heiko Maas ayaa guddoonsiiyay abaalmarinta Africa Prize ee sanadkiiba mar Jarmalku bixiyo Ilwad Elman oo ah gabar Soomaali dhalinyarro ah oo u dhaqdhaqaaqda Arrimaha bulshada.

Munaasabad ka dhacday magaalada Barlin ee dalka Jarmalka ayeey Ilwad Elman ku guddoontay abaalmarintan oo ah mid la siiyo dadka waxqabadkooda siweyn looga dhax arko bulshada inteeda kale sanadkan 2020ka.

'Waxaad u istaagtay adiga oo da'yar ah in aad caawiso dadka kuwooda ugu jilicsan, sida carruurta, ka hortaga xadgudubyada galmada ama cawinta kuwa ka badbaaday, gabdhaha,  iyo caawinta dhibanayaasha xagjirnimada ayuu yiri Wasiirka Arimaha dibadda dalka Jarmalka Heiko Maas oo la hadlayay Ilwad Elman.

Wasiirka ayaa intaa sii raaciyay ''Waxaad noqotey isha dhiirrigelinta jiilka da'da yar ee Afrika maalmahan ay socdeen rabshadaha dhiigga badan ku daatay ee lagu laayay dadka rayidka.

Ilwaad Elman Cali, waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay Soomaaliya kahor inta aan la dilin.

Ilwad ayaa dhankeeda sheegta in ay ku faraxsan tahay in abaalmarinta ay siisay fursad ay kula wadaagaan xaqiiqda dhabta ah ee nolosha Soomaaliya iyo baahida loo qabo iskaashi lala yeesho Jarmalka.

"Nolasha kale ee isbadaleysa ayaa ka badan Burburka iyo Rasaasta, Waxaa jira nolol, bulshada ayaa jirta, jacayl ayaa jira, qosol ayaa jira oo adkeysi ayaa jira. hadda si ka badan sidii hore ayeey tiri Ilwad Elman.

Abaalmarinta Africa Prize ayaa soo bilaabatay gudaha dalka Jarmalka sanadkii 1993dii, iyadoo muddadii intaa u dhaxeysay la guddoonsiiyay shaqsiyaad kala duwan oo lagu soo xushay waxqabadkooda marka la eego bulshooyinka ay ku dhax nool yihiin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]