4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Minnesota waxay tirineysaa 20 dhimasho kale oo ka timid COVID-19


Christine T. Nguyen | MPR News

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- 20 ayaa ku darsantay inta u dhintay COVID-19 ee reer Minnesota dadka dhintay ee la soo wariye waxay u badnaayeen muwaadanniin waayeel ah. Shan ka mid ahna da’doodu waxay ka badnayd 70tan, siddeed kalena waxay ahaayeen 80tan jirro, lixna 90shan jirro iyo hal 100 sano kor u dhaafay.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay intaas ku dartay in wadarta guud ee dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19 ee gobolka gaaray 128,512 qofood. Wadarta guud ee dadka jiran ee shalay waxaa ku korortay 1561 qofood.

154 reer Minnesota ah ayaa hadda cudurka COVID-19 ugu jira Qeybta Daryeelka Degdegga (ICU) ee isbitaalka. 430 qofood oo kalena isbitaalka ayay ku jiraan laakiinse ma helaan daryeel deg deg ah.