3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

 

Axad, October, 25, 2020 (HOL)-  Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xubnaha maamulkiisa ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal.

Madaxweyne Waare  ayaa u soo xushay. Cabdinasir Maxamed Guulleed iyo Maxamed Maxamuud Caddo  in ay ka mid noqdaan Guddiga  doorashada heer Federaal,   halka dhinaca kale Liibaan Cismaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan ka mid noqon doonaan Guddiga Xalinta khilaafaadka.

Hirshabeelle ayaa noqoneysa maamulkii ugu danbeeyay ee soo gudbiya xubnaha uga mid noqonaya guddiyada doorashada, iyadoo horay maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland u soo gudbiyeen xubnihii laga sugayay.

Ugu danbeyntii Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa lagu waddaa in uu wareegto ku soo saaro Guddiyada heer Federaal.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  













Click here
10/25/2020 11:20 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shaaciyay inay xal-waara ka gaarayaan shirkadda DP world oo gacanta ku haysa dekeda Bosaso, taasoo aan weli si buuxda u fulin heshiiskii ay kula wareegtay dekeda.

10/25/2020 10:06 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukuntay 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta, Xunkusanayaal iyo Garsugayaal lala xariiryay inay kaalin ku lahaayeen weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar.

10/25/2020 8:23 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu waramayaa in uu gaaray magaalada Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

10/25/2020 7:08 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashada 2020-21 oo kol hore ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada in ay waqtigeeda ku dhacdo.

10/25/2020 4:54 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Dagaalmayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay sheegtaan maamulka Somaliland.

10/25/2020 3:55 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeysay Dowlad Gobolleedyada in aysan ilaalin qoondad haweenka ee Guddiyada Doorashada heer Federaal.

10/25/2020 2:13 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Wasiirka hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose, ayaa ku eedeeyay wasiirro katirsan xukuumada raysal wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa in ay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

10/25/2020 1:31 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weerar Afka ah ku qaaday dhaggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron isaga oo sheegay in uu ku khafiifay naceybka dadka muslimiinta ah.

10/25/2020 1:15 AM EST
Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu yeeray hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay hadda bilaabaan ka baaraan dagidda tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loogu diyaar garoobo doorasho Qof iyo Cod, 2024 ama 2025.