3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2020
Shacabka iyo ganacsatada Wajeer oo ka cabanaya koronto la'aan
 

Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Magaalada Wajeer oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Waqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka jira koronto la'aan saameyn adag ku yeelatay nolosha dadka iyo guud ahaan habsami u socodka ganacsiga deegaanka.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in hadda xaaladda ay tahay mid dhaaftay in dadka magaaladaas ku nool ay dul usii yeesheen iney sii aqbalaan xaaladdan, waxayna tilmaameen in dhowr jeer ashtako geeyeen shirkadda bixiso quwadda korontada dalka ee KPLC .

Dadka deegaanka ayaa isticmaalaya matoorro, tanina waxay aad kor ugu sii qaadeysaa qarashaadka dadka ay isticmaalayaan, oo aysan xamili karin sida ay u sheegeen warbaahinta.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay mas'uuliyiinta deegaanka oo ku saabsan korontada ka maqan magaalada Wajeer.

Dhinaca kale, ma aha markii uugu horreysay oo ay shacabka magaalada Wajeer ay cabasho noocaan ah soo jeediyaan, hase-ahaatee caqabadda dhinaca korontada ah ayaa dhowr jeer oo hore soo laa laabatay.

Ma'uuliyiinta Ismaamulka Wajeer ayaa dhankooda weli ka hadal xaaladdan jirta.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/2/2020 8:04 AM EST
Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay warbaahinta France 24 ayaa waxa uu diiday in ciidamada militariga Mareykanka ay dalkiisa ka fuliyaan duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Al-shabaab.

10/2/2020 7:47 AM EST
Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay inuu dhammaaday walaacii laga qabay doorashada Soomaaliya, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo diyaar garoobo sidii loo aadi lahaa.

10/2/2020 6:53 AM EST
Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay xanuunka COVID-19 isaga iyo xaaskiisa.