4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2020
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay Cudurka COVID-19
 

Jimco, October 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in laga helay xanuunka COVID-19 isaga iyo xaaskiisa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay in isaga iyo xaaskiisa uu haleelay cudurka safmarka ah ee COVID-19 kaas oo wali fara kulul ku haayo dalal badan oo Caalamka ka tirsan.

Trump ayaa sheegay inuu is karantiilay isaga iyo xaaskiisaba ayna u hogaan samayaan hanaanka iyo sharuucda lagu yareynayo faafitaanka cudurka halista ah ee COVID-19.

Waxaa sidoo kale xanuunkan laga helay haweeneyda lagu magacaabo Ms' Hope Hicks taas oo ka mid ah la taliyeyaasha Madaxweyne Donald Trump oo la sheegay in madaxweynaha la raacday diyaaradda Air Force One xili ay toddobaadkan safar ku tageen gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]