4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Taliska 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay dileen 24 dagaalame oo Al-shabaab ah
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Ciidamada milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Amisom ayaa dagaal saacado badan qaatay kula galay Al-shabaab degaano hoos yimaada degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay dagaalkaan inuu qeyb ka ahaa howlgal socday afar cishe oo kasoo bilowday Muqdisho laguna beegsanayay degaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka, general Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedishe), ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadu howgaldaas ku dileen 24 askari oo katirsanaa Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay isku furaan waddooyin badan oo xiriiriya gobolada Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Banaadir, oo Al-shabab ay horey u dhigteen jidgooyooyin sidoo kalena ay ku aaseen miinooyin ay ciidamadu ka saareen.

Al-shabaab oo gacanta ku hayo degaano badan oo kuyaala gobolka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, ayaa  keentay in ciidamada lagu beegsado marka ay ku safrayaan wadada laamiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]