4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 18, 2020
Madaxweyne Deni oo loo xiray waddooyinka magaalada Garowe iyo ciidamo gadood ka sameeyay Bosaso
 

Axad, October 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta dib ugusoo laabnaya magaalada Garowe, ayaa loo xiray waddooyinka Garowe, iyadoo lagusoo daadiyay ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka.

Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn culus ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, xilli ay dadku wajahayeen daruufo dhaqaale xumo oo ka dhashay sicir barar baahsan ee ka jira Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka imaanaya Nairobi ayaa loo qaban qaabiyay soo dhowayn aan horey loo arag, isagoo loo magacaabay soo dhowayntiisa guddi gaar ah oo katirsan golahiiisa wasiiradda.

Guddiga soo dhowaynta ayaa sheegay in madaxweynaha ay ku maamuusayaan kaalinta uu ka qaatay heshiiskii doorashada ee Soomaaliya uuna dalka ka badbaadiyay khilaaf siyaasadeed oo horseedi karay burbur.

Dhinaca kale, ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday xarunta wasaradda kalluumaysiga Puntland ee kutaala magaalada Bosaso.

Ciidamadaan ayaa diiday inay banneeyaan wasaaradda kalluumaysiga, iyagoo dalbaday xuquuq kaga maqan maamulka Puntland, xuquuqdaas oo ah mushaarkoodii.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]