4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Garowe: Nin hooyadiis dilay oo lagu fuliyay xukun qisaas ah
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay Faarax Cabdi Maxamed oo horey u dilay hooyadiis, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

Dilkiisa waxaa fuliyay Caawin Cabdi Maxamed oo ah marxxuumka walaalkiis, isagoo sheegay in qoyskooda oo ka kooban 7 qof isku raaceen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha.   

Caawin wuxuu sheegay sababta uu walaalkiis u toogtay in ay tahay sidii ay bulshada cashar uga baran lahayd islamarkaana qof kasta oo dila hooyadiis la marsiiyo dariiq lamid ah midkan.

Marxuumka ayaa bishii June ee sanadkaan hooyadiis ku dilay tuulada Jalam oo Garowe kaga began dhinaca koonfureed. Laamanaha amniga ayaa gacan kusoo dhigay, waxaana kadib lagu xukumay dil.

Ma sheegin sababta uu u dilay hooyadiis, balse qoyskiisa waxay sheegeen inuu isticmaali jiray maandooriyaha.

Qisaasta caynkaan oo kale ah ayaa aad ugu yar gudaha Soomaaliya, waxaana jira dad waalidiintood dilay oo aan lagu fulin xukun qisaas ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]