4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2020
Gaalkacyo: Sarkaal katirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Maxmuud Cismaan Aadan ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa maalintii shalay.

Gudoomiyaha maxkamada racfaanka ayaa la sheegay in uusan ku jirin gaarigiisa xilliga uu qaraxay, waxaana qaraxa uu dhacay xilli duhur ah oo ku beegmayd salaaadii jimcaha.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan. Balse Alshabaab ayaa horey qaraxyo caynkaan oo kale ah ugu dilay masuuliyiin badan oo katirsan maamulka Puntland.

Falkaan ayaa yimid xilli Puntland aad u adkaysay amniga waqooyiga Gaalkacyo, tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii guddoomiyaha gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]