4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xabsi daa'in ku riday labo nin oo katirsan Al-shabaab
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi daa’in ku xukuntay labo nin oo katirsan ururka Alshabaab, kuwaas oo lagu kala magacaabo  Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir.

Labadaan nin ayaa lagu eedeeyay inay ahaayeen Horjooge iyo Darawalkiisa oo Alshabaab uga shaqeyn jiray gobolka Shabeelada dhexe, iyagoo ka qeyb qaaatay weeraro dhiig ku daatay oo lagu qaadday ciidamada dowladda.

Maxkamada waxay sheegtay in lagu qabtay weerar lagu qaaday Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen inta u dhexaysa Deyniile iyo Basro iyaga oo dhawaac ah, bishii November Sanadkii tegay.

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa lagu sheegay inuu ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad. Waxaa uu qirtay in uu qeyb ka ahaa weerar ku qabsaday gobolka Shabeelada dhexe, oo lagu qabtay isaga iyo saaxiibkiis.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]