4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Muqdisho : Waddooyinka caasimadda qaar oo saakay xiran
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxayna dadka isticmaalayaan socod,  ma jiraan gawaarida dadweynaha iyo bajaajta oo isticmaalaya waddooyinka xiran.

Waddada hor'umarta dekadda weyn, isgoysyada taleex, Soobe iyo is-goyska Banaadir ayey xireen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar la helayo ayaa sheegaya in waddooyinka loo xeray ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta gelinka hore la qorsheynayo inuu booqdo dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,  sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho.

Inta badan waddooyinka xiran ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
 
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]