4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Gedo
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxay duqeymo ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah.

Deegaannada la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah Cows-qurun, Dhamase , Likooley , Garsaal iyo Xisaguur. Waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan xoolo geel u badan oo duqeyntaas wax ku noqday.

Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaannada la duqeeyay oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, hadda xaaladda ayaa deggan, laakiin waxaa si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha duqeymahaas ay la’egyihiin.

Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ay isugu yeereen odoyaasha deegaanka, iyagoo doonaya iney kala hadlaan kacdoon ka dhashay dad rayid ah oo la sheegay in askarta Kenya ay dishay.

Xiisad u dhexeysa dadka deegaanka Gobolka Gedo iyo ciidamada Kenya ayaa taagneyd maalmihii lasoo dhaafay , wixii ka dembeeyay markii la helay meydka afarta qof oo ay horay ciidamada Kenya uga wateen guryahooda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]