5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Allah u naxariiste waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday rug caddaa Saxafadeed Cabduqaadir Maxamed Mursal.

Wariye Mursal ayaa bilahii la soo dhaafay ku xanuunsanayay dalkaasi Mareykanka waxaana ay gabadhiisa Warbaahinta u xaqiijisay in aabaheed Mursal uu ka mid aha dadka uu haleelay xanuunka safmarka ah ee COVID 19 balse uu ka bogsaday.

Allaha u naxariiste Cabduqaadir Mursal ayaa in muddo ah ku noola magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxuuna sanadkii 2014-ka uu u wareegay cariga Mareykanka, halkaas oo uu ka aas aasay Raadiyow lagu magacaabo Codka Soomaalida Mareykanka RADIO KALY.

Wariye Mursal aya sidoo kale soo noqday Agaasimahii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo tifaftirahii Radio IRIN Codka Arrimaha Bini'aadanimada oo markii dambe loo baddely Radio ERGO.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]