3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Allah u naxariiste waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday rug caddaa Saxafadeed Cabduqaadir Maxamed Mursal.

Wariye Mursal ayaa bilahii la soo dhaafay ku xanuunsanayay dalkaasi Mareykanka waxaana ay gabadhiisa Warbaahinta u xaqiijisay in aabaheed Mursal uu ka mid aha dadka uu haleelay xanuunka safmarka ah ee COVID 19 balse uu ka bogsaday.

Allaha u naxariiste Cabduqaadir Mursal ayaa in muddo ah ku noola magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxuuna sanadkii 2014-ka uu u wareegay cariga Mareykanka, halkaas oo uu ka aas aasay Raadiyow lagu magacaabo Codka Soomaalida Mareykanka RADIO KALY.

Wariye Mursal aya sidoo kale soo noqday Agaasimahii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo tifaftirahii Radio IRIN Codka Arrimaha Bini'aadanimada oo markii dambe loo baddely Radio ERGO.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/1/2020 6:50 PM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Jadwalka doorashada ka dhacaysa dalka 2020/2021 ayaa rasmi ah loo soo saaray, ka dib markii hannaanka ay doorashada ku dhacayso ay ka heshiiyeen Dowladda Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

10/1/2020 6:39 PM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Habraaca hirgalinta Doorashada dalka ka dhacaysa 2020/2021 ayaa caawa la soo saaray, ka dib kulamo toddobaadyo qaatay oo magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen Dowladda Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

10/1/2020 10:07 AM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Magacaabay Guddi qaban qaabada doorashada xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland, maadaama ay doorashadadoodu ka dhacayso Muqdisho.

10/1/2020 6:36 AM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Sida ay tilmaamayaan wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxay duqeymo ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah.

10/1/2020 6:12 AM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Allaha U Naxariistee waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday saxafigii weynaa ee Cabdikhaadir Maxamed Mursal oo kamid ahaa weriyayaasha ruug caddaaga ahaa ee muddada dheer ka howl-galayay saxaafadda Soomaaliyeed.

10/1/2020 3:54 AM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haystay inuu kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah.

10/1/2020 3:30 AM EST
Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Luulyo ee sanadkan hakisay shixnadaha diyaaradaha Qaadka keena Soomaaliya sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus.