4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askari kufsaday gabadh 4 jir ah
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haystay inuu kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah.

Kufsigaan ayaa 14-kii May ee Sanadkan ka dhacay  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib waxay eedeesanaha hor geeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xukumanuhu qirtay dambiga uu galay.

Eedeysanaha oo fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa sheegay inuu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay xukunka maanta lagu riday askariga uu fariin u noqonayo in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]